Safarada bukaanku waa safaro lagu tago oo lagaga yimaado daaweyn la aqoonsan yahay. Hayadaha caafimaadka ayaa ka masuul ah safarada bukaanka waxaana kharashka safarka bixinaya hosbitaalka degaankaaga.
Waxad xaq u leedahay in lagaa bixiyo kharashka lagama maarmaanka ah markaad daaweyn u safraysid. Xeerka guud waxa weeye in aad gadiidka guud ee ugu jaban ugu safartid kagana soo laabatid goobta daaweynta ee ugu dhow. Adaa bixinaya kharashka, kadib ayaad foomka xisaabta safarka soo diraysaa (cinwaanku foomka ayuu ku qoran yahay).
Xasuuso in aad soo raacisid cadayn ah inaad daaweyn tagtay, soona raaci juwanada rasmiga ah. Foomka xisaabta safarka waxad ka helaysaa daweeyahaaga ama www.pasientreiser.no.
Safar bukaan oo kasta waa inaad qayb uu Stortinget (baarlamaanka) gooyey bixisid. Qaybtaas waxa lagu qori doonaa kaadhka qaybaha aad bixisay.
Caruurta ka yar 16 sano, wehelka lagama maarmaanka ah iyo dadka haysta kaadhka bilaashka ma bixinayaan qayb. Haddii aad adeegstid xaqa doorashada hosbitaalka, qaybtaada kharashku in bay ka badan tahay. Doorashada hosbitaalku micneheedu waxa weeye inaad dooran kartid hosbitaal ka baxsan gobolcaafimaadka aad degan tahay.
Haddii aad xaalad caafimaad darteed u raaci karin gadiidka guud, waxad heli kartaa warqad amar/dalab ah oo aad ku raaci kartid gaadiid kale. Daaweeyahaaga ayaa qiimaynaya baahidaada isagaana qoraya warqada amarka/dalabka ah.
Haddii la waayo gadiid guud waxa marmar xaq loo yeelan karaa warqada amarka(dalabka si loogu raaco gadiid kale. Xafiiska safarada bukaanka ee degaankaaga oo laga helo 05515 ayaa go’aaminaya inaad xaq u leedahay. Safarada bukaanka 05515 ayaa kaa caawinaya qorshaynta safarka. Safarada aad adeegsatay warqada amarka/dalabka ah ma buuxinaysid foomka xisaabta safarka.
Safarada waxa laga dalbanayaa Pasientreiser (Xafiiska safarada bukaanka) 05515. Soo wac ka hor saacada
13.00 maalinta caadiga ah ee ka horeysa safarka. Safarada dayuuradaha waa inaad dalbatid isla markaad heshid balan.
Markaad soo hadlaysid waxan rabnaa inaad ogaano:
Baahida gaarka ah warqada amarka/dalabka ah waxa ku qoraya daweeyaha.
Xafiiska safarada bukaanka ee degaankaagu wuxu qorshayn karaa in dhowr bukaan ah isku taksi/bas lagu qaado tahay farsamo ahaan soconayso, caafimaad ahaana dhib ahayn. Waa inaad ku talogashid wakhti sugitaan ah safarka lagu tegayo lagagana imanayo daweynta.
Hadii aad haysid su’aalo la xidhiidha safarada bukaanka, soo wac 05515 ama eeg www.pasientreiser.no. Safarada bukaanka in si fiican loo adeegsado waxay keenaysaa in dadka u baahani helaan adeeg caafimaad oo wanaagsan.